Lix qof ayaa la dilay, booliskuna nin ayay toogasho ku dileen kadib markii uu weerar midi ah ku qaaday xarun dukaamo oo ku yaal bariga Sydney.
Shaqaalaha adeegyada degdega ah ayaa loogu wacay Westfield Bondi Junction galabtii Sabtida.
Dada kale ayaa ku dhaawacmay weerarka oo uu ku jiro ilmo yar, kadib markii nin mindi ku hubaysan oo dadka la dhexgalay ka hor inta uusan boolisku toogaan ninkan.
Booliska NSW ayaa xaqiijiyay dhimashada lixda qof.
Kaaliyaha taliyaha Booliska NSW Tony Cooke ayaa sheegay in ninkan uu 9 qof wax gaarsiiyay ka hor inta aysan sarkaalad booliska ka tirsan toogasho ku dilin markuu diiday inuu mindida dhigo.
Booliska ayaa sheegay in ninka weerarka fuliyay uu kaligiis ku ahaa falkan aysana jirin qatar kale.
Ra'iisul Wasaare Anthony Albanese ayaa sheegay in dhacdadan ay masiibo tahay
Booliska ayaan wali bixin haybta 6 da qof ee dhimatay iyo kuwa kale ee dhaawaca ah iyo ninkan weerarka gaystay ee la toogtay.
Baaritaanka ayaa wali socda, meeshana kama saarin in arintan tahay argagixiso.
War hadda soo dhacayna qof kale ayaa dhaawicii u geeriyooday taasoo tirada dhimashada gaarsiinaysan 7.